Home Wararka Somaliya Puntland Yaa Hogaanka U Haaya Doorashadii Shalay Ka Dhacday Puntland?

Yaa Hogaanka U Haaya Doorashadii Shalay Ka Dhacday Puntland?

0

Natiijada hordhaca ah ee kasoo baxaysa doorashooyinkii 3 degmo oo ka dhacay Puntland ayaa muujinaya in codadka ay qeybsameen oo aan Xisbina helin aqbaliyad, Natiijo kaligiis ku dhisi karro Golle deegaan, tan oo cadeynaysa in dhammaan dhinacyadu u sinaayeen tartanka doorashadu xor iyo xalaal ahayd.

Garoowe, oo ah caasumada oo ay xisbiyadu si xoogan ugu loolameen ayaa warar hordhac ah ay sheegayaan in aan Xisbina heysan tiro kufilan oo Aqlabiyad ah.

Godobjiraan iyo Dangoroyo, ayaa lagu soo kala baxay waana adkaatay in cidna hesho aqbaliyad ama tiro kudhaw, tan oo ka dhigan in la aadi doono Isbaheysi, hayeeshee xisbiyada mucaaradka ayaa codad badan haysta, tan oo muujinaysa doorasho si daahfuran loo galay.

TARTANKU: Waa duqa Garoowe, Yaa noqonaya!!

Natiijada Hordhaca Golaha deegaanka ee Garoowe, oo ah caasumada Puntland ayaa muujinaysa in aan Xisbina helin aqbaliyad lagu doorto guddoonka degmada.

Sheekada xiisaha leh waa sida loogu hardami doono Duqa magaalada Garoowe, Xisbiyada ayaa badankood min 2 Xildhibaan, halka Kaah, Horseed iyo Sincad ay haystaan codadka ugu badan, laakiin midkoodna ma dhisi karo Duqa Garoowe.

Ad
Previous articleAdna Adan oo Xildhibaan Abiib ku Tilmaamtay inan yar oo Waalan
Next articleHirshabeele oo war Kasoo saartay Ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee Shalay Soogalay Gobalka Hiiraan