Home Wararka Maanta Yaa Diidan in Doorasho Ka dhcado Galmudug oo haatan Meel Xasaasi ah...

Yaa Diidan in Doorasho Ka dhcado Galmudug oo haatan Meel Xasaasi ah Maraaya?

0

Mowduuca hubkii lagu qaatay degmada Caabudwaaq ayaa qeylo-dhaan ka dhex abuuray siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug, kadibna waxaa si weyn loo dhalleeceyay hoggaamiyaha Galmudug, Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Sababta ay arrinta hubka dagaal siyaasadeed iskugu rogtay waa in qaar kamid siyaasiyiinta deegaanka lagu tuhansan yahay inay ku lug leeyihiin arrinta hubka sharci-darrada ah ee lasoo geliyay dalka.

Qaar kamid ah xildhibaannada heer federaal iyo daneeyayasha doorashada Galmudug ayaa ku baaqay in deg deg loo qabto doorasho. Xubnahan midkoodna horey uma dalban in doorasho la qabto.

Doodda kama taagno in Qoor-Qoor waqtigiisa dhamaaday laakiin labo su’aaloodba waa in dhab looga jawaaba. Mid waa maxaa dalabka doorashada soo dadajiyay, dabcan waa hubka oo siyaasiyiinta qaar gubay. Midda labaadna waa waayaha doorashada hortaagan.

Inay Galmudug ka dhacdo doorasho ama Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo dhamaan madaxdooda waqtigooda ka dhamaaday waxaa hortaagan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo diiday nuucii doorasho ee maamul goboleedyada qabsan jireen, kadibna furay hanaan doorasho oo cusub, markaa kadibna maamul goboleedyada siiyay muddo kororsi ku eeg bisha Novermber 2024.

Waxaa jirta dhacdo ay dhamaan siyaasiyiinta reer Galmudug ogyihiin oo si fudud ku fahamsiineysa in madaxweyne Xasan Sheekh hortaagan yahay doorashada Galmudug. Kal hore Qoor-Qoor ayaa magacaabay guddi doorasho oo ay madax u tahay Xaliimo Yarey.

Waxay muddo siddeed billood ah guddigaasi kusoo dhameeyeen daraasad ay ka sameeynayeen deegaanada Galmudug ee laga qaban karo doorasho dadweyne oo gole deegaan ah.

Waxay soo saareen guddigaas 21 degmo oo isugu jira degmooyinkii hore iyo kuwo mar dhexe la magacaabay oo nabad ah oo doorasho laga qaban karo. Waxay wada-shaqeyn iyo ballan-qaad ka heleen beesha caalamka.

Waxaa loo ogolaaday lacag 18 Milyan ah oo dollar ah oo doorashadaas ku qabtaan. Balse markii ay damceen inay howsha galaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la hadlay Qoor-Qoor oo yiri lama bilaabi karo doorashadaas, waana in aan raacna heshiiskii golaha wadatashiga qaran, taas oo ka dhigan wax bisha Novermber 2024 ka horreeya lama ogola iyo waa inay isku mar dhacaan dhamaan doorashooyinka maamul goboleedyada.

Intaan waa kugu filan tahay cidda hortaagan inay doorasho ka dhacdo Galmudug.

Xubnaha dalbanaya inay deg deg doorasho uga dhacdo Galmudug baaqooda ma ku xuseen inuu Xasan Sheekh ka hor wareego doorashada Galmudug, jawaabtu waa maya, sababtoo ah intooda badan dano gaar ah ayey ku haystaan Xasan Sheekh.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWasiirkii Canshuurta Kusoo Rogay Dadka Reer Muqdisho oo Maantay loo Yeeray
Next articleMooshin Ka dhan ah Raysulwasaare Xamse oo La saxiixay Meel Xasaasi ahna Maraaya