Kooxda Xuutiyiinta ee Ansarullah waxay la bartilmaansadeen magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’il, gantaalahaas ayaa noocooda lagu sheegay “Falastiin 2” kooxdu waxay bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in weerarku uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday ciidamada Israel.
Afhayeenka milateriga Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka ku sheegay in ciidamada gantaallada ee kooxda ay ku guulaysteen inay beegsadeen xarun ay leeyihiin ciidamada Israa’iil, taas oo ah isku day kale oo ay ku doonayeen inay ku qaadaan weerar ka dhan ah Israa’iil.
Yahya Saree waxa uu intaas ku daray, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, in gantaalku “si sax ah uu ugu dhacay bartilmaameedkiisa, difaaca iyo gantaallada ka hortaga kuwa ay ku guul-darreysteen inay ka hortagaan.
Sheegashada weerarkaas ayaa ku soo beegantay laba maalmood kadib markii Israa’iil ay duqaymo ka geysatay dekedaha Xuutiyiinta iyo kaabayaasha tamarta ee dalka Yemen, oo in ka badan 1,500 kilomitir koonfurta ka xigta Israa’iil, waxaana ku dhintay sagaal qof, sida ay sheegeen Xuutiyiinta.
Dhankooda, ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay inay ku guul-dareysteen inay ka hortagaan gantaal ka yimid Yemen subaxnimadii Sabtida, kaasi oo ku dhacay aagga Tel Aviv-Jaffa.
Waaxda adeegga ambalaasta ayaa sheegtay in 16 qof ay dhaawacyo fudud soo gaareen, isla markaana uu jiro burbur hantiyeed, “kooxuhu ay daryeel caafimaad siiyeen 16 qof oo dhaawacyo fudud ka soo gaareen muraayadaha dhismo burburay” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Waxaan ku sugnaa guriga, waxaana maqlay qarax weyn, waxaan isla markiiba tagay goobta, waxaana arkay burbur xooggan oo ka dhashay qaraxa ka dhacay dhismayaal ku dhow ,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Israa’iil oo la hadlay AFP.
Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa maanta ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada “ilaa ay ka joogsanayaan gardarrada iyo go’doominta lagu hayo marinka Qaza.”