Home Wararka Maanta Xukunka Rag loo haysto Dilka Ardaygii 18ka ahaa ee Dhawaan Muqdisho lagu...

Xukunka Rag loo haysto Dilka Ardaygii 18ka ahaa ee Dhawaan Muqdisho lagu Dilay

0

Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) , Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi, ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen Dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisii ugu horreeyey ee dugsiga sare.

Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta Afduub iyo Bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas.

Eedeysaneyaashaan oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah, marxuumka ayaana u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd Tobankii bisha April ee Sanadkaan 2024.

Ka hor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa.

Eedeysaneyaasha o baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta Hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay waxay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan July.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay, Ex Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage “Qataatow iyo Ex Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq, halka Ex Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi lagu xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleAlshabaabkii Ugu Badnaa oo Shalay Lagu laayay Galmudug iyo Maydadkoodii oo Lasoo Bandhigay
Next articleMaxay ahaayeen 5taan nin ew Saakay Tiirka Toogashada Lageeyey(Sawiro)