Home Wararka Maanta Xukunka Dil ka dhashay Haweeney mareysay Bar koontarool oo ku Taal Muqdisho

Xukunka Dil ka dhashay Haweeney mareysay Bar koontarool oo ku Taal Muqdisho

0

Xukunka Dil ka dhashay Haweeney mareysay Bar Hubin ah.

Maxkamadda Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, kuwaasi oo ku eedeysan dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Arrintaan, ayaa markii dambe isku beddeshay in hub la isku adeegsado, Waxaana Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex martay Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” Dil Toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse halka Cadnaan Muuse Maxamed uu Garsoorku amray in Xoriyadiisa la siiyo.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleCiidamadii Ku Wajahanaa Xarardheere ee lagu Celiyay Wisil oo la Fasaxay
Next articleMaamulada Hospitalda Qaarkood oo Xabsiga la Dhigay