Home Wararka Maanta Xukun adag oo lagu riday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu helay...

Xukun adag oo lagu riday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu helay dilka……

0

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday xukunka ragga kala ah Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xasan iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan, oo saddex jeer oo hore ay Maxkamaddu u fadhiisatay gal dacwadeed ka dhan ah.

Raggan aya xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeeyey inay si wada jir ah uga shaqeeyeen dilka Sheekh Cabdullaahi Dalab oo bartamaha sanadkii 2016 ka lagu dilay magaalada Kismaayo.

Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Ibraahim Cali iyo Ilyaas Maxamed Xasan dambiyadii lagu soo eedeeyey oo kala ahaa dilka Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo inay ka tirsan yihiin al shabaab waxayna ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumka, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed Qamdariiran oo ah guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidmada Jubbaland.

Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo ah eedaysanaha saddexaad ee kiiskan ayay Maxkamaddu sheegtay in lagu waayay qodobadii uu ku soo eedeeyey xafiiska xeer ilaalinta, iyadoona taas baddalkeeda lagu helay “Suspect’’ waxayna maxkamaddu ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah taasi oo ka soo bilaabanaysa markii la soo xiray, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed Qamdariiran guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleFaahfaahin:Wiilka odaygii HARGEYSA ka yiri ‘Lafti Nagaa’ oo la dilay
Next articleOrodyahanka kaliya ee ay Soomaaliya u dirsatay tartan Caalami ah billaddana soo qaatay