Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xukumada Muuse Biixi oo Go,aan soo saartay ka Hor Xilwareejinta

Xukumada Muuse Biixi oo Go,aan soo saartay ka Hor Xilwareejinta

0

Xukuumadda Somaliland ee uu haatan hoggaamiyo madaxweynaha xilka kasii degaya ee Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saartay go’aano xasaasi kahor xil wareejinta la qorsheynayo inay dhacdo maalinta Khamiista.

Shirka amniga oo ka dhacay gudaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, uuna shir guddoomiyey wasiir Maxamed Kaahin, ayna ka soo qayb-galeen taliyayaasha guud ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa lagu go’aamiyey in la joojiyo qabashada shirarka qabiilaysan

“Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee Somaliland,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga xuduudaha iyo kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Somaliland illaa inta madaxda dooran lagu wareejinayo xilka.

Hoos ka aqriso go’aannada kasoo baxay xukuumadda Somaliland;

1- Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku hadlaya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaas oo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda.

3- Waa in saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

4- Maanta laga bilaabo waxaa la joojiyey in Hoteelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo in lagu qabto shirar qabiilaysan, waxaana la farayaa hotelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, hotel ka lagu qabto shirar noocaas ah tallaabo ayaa laga qaadayaa.

5- Waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee dalka, gaar ahaana amniga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

6- Shirka waxaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga Xuduudaha iyo Kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleTaliyihii Ka Horyimid Qorshaha Dowlada ee Jubaland oo Xilka Laga Qaaday
Next articleDowlada Soomaaliya oo Maantay Qaab Lama Filaan ah Ciidamo Uga Dajisay Baladxaawo