Home Wararka Maanta Xubno Shabaab ah iyo horjoogahooda oo Dagaal Culus lagu dilay

Xubno Shabaab ah iyo horjoogahooda oo Dagaal Culus lagu dilay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada HirShabelle iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Jariirow ayaa waxaa lagu beegsaday horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu dilay ugu yaraan saddex xubnood oo uu ku jiro horjoogahooda, waxaana weli sii socda howlgallada ay wadaan ciidamada huwanta.

Xubnaha la khaarijiyay ayaa xilliga uu dhacayay ku howlanaa qaadista lacago baad ah oo ay ka aruurinayeen dadka deegaanka.

Taliyaha ciidamada Macawiisleyda ee galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka go’aan tahay la dagaalanka Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda deegaanada maamul goboleedka HirShabelle.

“Waxaa naga go’aan inaan ka ciiidan dagaalano, Soomaalinimo ayaan u dhimaneynaa iyo nimanka diinta beenta ka sheegaayo” ayuu yiri taliyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay HirShabelle.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka soconayo howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAlshabaab oo Hanjabaab Culus oo u Soo diray Ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliya Kadib Gubitaankii Suuga Ceelasha
Next articleMahad Cali Maxamuud Madoobe oo Horay Dil Dadbadan ka Naxeen Muqdisho Ka Gaystay oo Maantay La Xukumay