Home Wararka Maanta Xubno Sare oo Ka Mid ah Alshabaab oo Gudaha Ugalay garowe

Xubno Sare oo Ka Mid ah Alshabaab oo Gudaha Ugalay garowe

0

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku galeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo laga cabsi qabo inay ka abuuraan falal amni darro.

Sida ay ogaatay Warbaahintu, xubno la tuhunsanyahay oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la dareemay inay galeen magaaladaas oo kamid ah meelaha ugu amniga wanaagsan dalka, maadaama ay tahay xudunta Puntland oo ugu wayn maamullada ka jira.

Guddoomiyaha Gobolka Nuagal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir (Qaanqaa) oo warbaahinta la hadlay ayaa isaguna xaqiijiyay jiritaanka arrintan, wuxuuna sheegay in Garoowe ay soo galeen sharwadaal ka shaqeynaya inay falal amni darro ka geystaan magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Qaanqaa ayaa shacabka ugu baaqay in aan guryaha laga kireyn karin qof aan la garaneyn, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa cid kasta oo soo galeysa magaalada.

Sidoo kale wuxuu faray darawallada gaadiidleyda in aysan soo qaadin qof aan la garaneynin, si looga hortago cid kasta oo halis ku ah amniga Puntland.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in laamaha ammaanka maamulka Puntland ay dhankooda bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Garoowe, si looga hortago xaaladda kasoo korortay gudaha magaaladaasi.

Waxaa kale oo la kordhiyey baraha koontaroolada ee magaalada Garowe iyo saacadaha shaqada ee ciidamada ammaanka, si looga feejignaado dhagarta kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib markii dhowaan ay Puntland ku toogatay waqooyiga Gaalkacyo 10 ka tirsanaa Al-Shabaab oo horay dil toogasho ah loogu xukumay.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Maantay Dhaqan Galisay Go,aan ay Ku farxeen Ganacsatada Soomaaliyeed
Next articlePuntland oo Gacanta Ku dhigtay Rag Katirsanaa Alshabaab oo Watay Diyaaradaha Is Qarxiya