Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay galbeedka Deegaanka Kaam-jaroon ee Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo fadhiisin u ahayd Kooxda al shabaab ee la weeraray.
Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday inay ku guuleysteen howlgalka ayna jab gaarsiyaan Kooxdii Al shabaab ay weerareen.
Ilaa 9 xubnood oo horjoogayaal iyo dagaalamayaal iskugu jira ayay cadeeyeen saraakiisha howlgalka hogaamineysay inay ka dileen Kooxda Al shabaab.
Si gaar ah waxa ay xuseen in howlgalka uu ka dhacay Galbeedka Deegaanka Kaam-jaroon ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana maalmihii ugu dambeeyay jiray in Jubaland deganaadedi laga waday howlgallo kadhan ah Kooxda Al-Shabaab.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay