Home Wararka Maanta Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Deegaano ka tirsan Galmudug

Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Deegaano ka tirsan Galmudug

0

Wararka ka imaanaya degaano hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in Ciidamada deegaanka oo kaa shanaya Kuwa Xoogga Dalka ay  howlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Caalim oo hoos yimaada degmada Jowle, ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dileen malayshiyaad ka tirsan Al shabaab, isla markaana ay ka furteen hub ay siteen.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Howlgalka oo si qorsheysan loo fuliyay lagu burburiyay saldhigyo ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaanka, Ciidamada ayaa sidoo kale dul tagay meydadka Al shabaab howlgalka looga dilay oo ay ku jireen xubno sare sare oo Kooxda muhiim ugu ahaa shaqada ay degaanadaasi uga haayeen.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Casayr Ibraahim Mataan ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalkaas ay ka fuliyeen aagga deegaanka Jowle ee gobolka Mudug kuna dileen Seddex xubin oo ka tirsan Al shabaab, waxaana ragga ay bartilmaameysadeen uu sheegay inay dhowr jeer ay beero dad shacab ah ay ku lahaayeen degaanka ka gubeen.

Saraakiisha Ciidamada Hogaamineysay ayaa sheegay in Howlgalka intii uu socday ay ku dileen Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Gaaguf oo ahaa madaxii deegaanka Jawlo ee Kooxdaaasi Al-Shabaab.

Ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xareed Cabdi Cali oo horay uga tirsanaan jiray ciidamada deegaanka oo u goostay Al-Shabaab 8 bilood ka hor isagoo qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada Macawiisleeyda ee la dagaalameysay Al shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay degaanada hoostaga Degmada Xarardheere waxaa ka jiray abaabul dagaal oo ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ay ku baacsanayeen Koox ka tirsan Al shabaab oo dhaq dhaqaaqyo kawaday halkaasi.

Ad
Previous articleSalaadiinta Somaliland iyo Garaadada SSC-Khaatumo oo si wadajir ah nabad ugu baaqay
Next articleDalalka Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis ku saabsan maalgasha beeraha