Home Wararka Maanta Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Saraakiisha hoggaamineysay Howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamadu ay howlgalka ku dileen ilaa 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in howlgalkaan uu qeyb ka ahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolada Baay iyo Bakool.

Dhinaca kale ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar qorshaysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Sumadaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

War qoraal oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goob ay shir ku lahayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Warka ka soo baxay dowladda laguma shaacin tirada rasmiga ah ee looga dilay Al-shabaab weerarka ciidanka Danab Kumaandooska Danab ka fuliyeen deegaanka Sumadaale.

Maalmahii ugu dambeeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa si xoog leh uga socday dagaalo iyo duqeymo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleHay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay
Next articleDagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay