Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa isku soo dhiibay Xubin ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo lagu Magacaabo Deeq Cabdul Maciin, Al-Shabaab dhexdoodana looga yaqaanay Shiine.
Ninkaan ayaa muddo ka howlgalayay degaano kuyaal Koonfurta Gobolka Mudug, xilligii ay ka socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dbinac ah &Â Al-Shabaab.
Deeq Cabdul Maciin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dhigista miinooyinka, sidoo kalena sababta u uga soo baxay Al-Shabaab ay tahay dhibaatooyin kala duwan uu kala kulmay Al-Shabaab intii uu ka tirsanaa.
Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug waxaa isku soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ka howlgeli jiray degaannada Galmudug.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka