Home Wararka Maanta Xoghayaha guud ee Urur gobaleedka IGAD oo maanta Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

Xoghayaha guud ee Urur gobaleedka IGAD oo maanta Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

0

Xoghayaha guud ee Urur gobaleedka IGAD ayaa maanta tagaya magaalada Muqdisho, maalin kadib markii ay Itoobiya, Suudaanta Koonfureed iyo Jabuuti saxiixeen dibu qaabeynta cusub ee Urur gobaleedka IGAD.

IGAD ayaa Soomaaliya kala hadlaysa xiisada gobalka iyo arrinta Suudaan sidii xal loogu heli lahaa, waxaana kulankan kahoreeyey mid Kenya kudhexmaray Xoghayaha IGAD iyo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya todobaadyo kahor, kaas oo ay dhinacyadu is faham kaga gaaran is maandhaaf u dhaxeeyey.

Kooxaha Suudaan ku dagaalamaya, ayaa u sheegay madaxda IGAD in aysan kalsooni kuqabin dhammaan wadamada gobalka, marka laga reebo Soomaaliya, waxaana fashilmay isku dayo ay wadeen Jabuuti, Itoobiya, Suudanta Koonfureed iyo Sacuudiga.

Ad
Previous articlePuntland oo Hanjabaad Culus u Diray Ciidamada PSF
Next articleTrump oo Markale Ka Badbaaday Isku day Lagu Khaarijin lahaa