Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xog hayaha Trump oo ku Baaqay in Muslimiinta dhan la laayo

Xog hayaha Trump oo ku Baaqay in Muslimiinta dhan la laayo

0

Pete Hegseth oo lagu wado inuu noqdo Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka ee xukuumada Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku dhawaaqay “Dila muslimiinta oo dhan,”

Hegseth ayaa hadalkan sheegay isagoo aad u khamreysan xili uu ka qeyb galay xaflad loo qabtay koox ka tirsan askartii hore oo dhacday sanadkii 2015. Ninkan ayaa sidoo kale hore loogu eedeyey falal ah galmo iyo anshax xumo shaqsiyadeed oo dhacay sanadkii 2017, sida laga soo xigtay jariirada New Yorker.

Sida warbixinta lagu sheegay, Pete Hegseth waxa uu safar shaqo ugu maqnaa gobolka Ohio May 29, 2015, xiligaasi oo uu la shaqeenayey kooxda la baxday Concerned Veterans for America markii la sheegay in uu ku sakhraamay baarka hoteelka oo uu dhowr jeer ku qeyliyay, “Dila dhammaan Muslimiinta!”.

“Kama hadli doonno sheegashooyinka guracan ee lagu qoray wargeyska New Yorker ee laga soo xigtay saaxiibkiis hore,” ayuu yiri qareenkiisa Tim Parlatore isaga oo ka jawaabaya eedeymahan.

Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah kooxda ugu wayn ee u dooda Muslimiinta Maraykanka, ayaan eedaymaha ka dhanka ah Hegseth ku sheegay kuwo culus, iyagoo ugu baaqay Kongress-ka inuusan ansixin magacaabistiisa.

Agaasimaha fulinta ee CAIR, Nihad Cawad, ayaa yiri: “Marka loo eego aragtidiisa hadda iyo ficilladiisii hore, waxaa cad in Mr. Hegseth uusan gabi ahaanba ku habboonayn inuu u sharaxan yahay xoghayaha difaaca…..Qof kasta oo — xitaa xaalad sakhraansan — ku baaqa in la xasuuqo dhammaan muslimiinta, wuxuu naftiisa u diiday inuu qabto jago muhiim ah oo lama huraan ah inuu la macaamilo wakiillada dalalka Muslimiinta u badan.”

Iyadoo ay jiraan muujintaasi, Trump waxa uu weli ku taagan yahay dookhiisa Xoghayaha Difaaca.

“Madaxweyne Trump waxa uu magacaabayaa musharixiin tayo sare leh oo aad ugu qalma in ay ka mid noqdaan maamulkiisa,” ayuu agaasimaha isgaarsiinta ee Trump Steven Cheung ku yiri hadal uu soo saaray, isaga oo xusay inaan wax danbi ah lagu soo oogin Pete Hegseth oo horey usoo noqday askari iyo waliba wariyaha telefishinka xagjirka ah ee Fox News.

Senator-ka Dimuqraadiga Richard Blumenthal, oo xubin ka ah Guddiga Ciidamada Qalabka sida ee Aqalka Senate-ka, ayaa ku tilmaamay warbixintan mid naxdin leh oo aan u qalmin, isagoo sheegay in guddigu uu si taxadar leh u eegi doono magacaabista ninkan.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Maantay ku Guul Daraysatay inay Ciidan ka Dajiso Raaskanbooni
Next articleAlshabaab oo Mid kamid ah Weeraradii ugu Cuslaa waayahaan ku qaaday Ciidamada Dowlada