Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xog Cusub oo kasoo Korartay Haashimkii Nauroobi Gabdhaha Soomaalida Ku laayay

Xog Cusub oo kasoo Korartay Haashimkii Nauroobi Gabdhaha Soomaalida Ku laayay

0

Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo ninkii ka dambeeyay dilka gabdhaha Soomaaliyeed ee hadal-heynta ka dhaliyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kaas oo ay gacanta kusoo dhigeen booliska dalkaasi.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Haashim Dhaqane Muxumed ayaa markii ugu horraysay shaaciyay xog ku aadan kiiska loo haysto, wuxuuna qirtay inuu  ka dambeeyey dilka afar haween ah oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo argagax weyn ku abuuray shacabka.

Ninkaan ayaa sheegay in wax dhibaato ah ama khilaaf ah uusan kala dhexeyn gabdhaha uu dilay, balse waxa uu tilmaamay in loo soo adeegsaday dilka marxuumiinta, isla-markaana lacag lagu siiyay.

Sidoo kale waxaa jirtay gabar kale oo 4-aad oo iyadana uu si arxan darro ah ugu dhex dilay qolkiisa, kadibna uu jar jaray maydkeeda, taas oo lagu magacaabi jiray Deeqa Cabdinuur, wuxuuna sababta ku sheegay in marxuumadda ay la ogeyd kiiska gabdhaha uu dilay.

Weli waxaa sii socota baarista, maadaama kiiska uu yahay mid xasaasi ah, waxaana ku guda jira laamaha dambi baarista ee dalka Kenya.

Kiiskan ayaa fajaciso ku noqday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi iyo guud ahaan dalka Kenya, maadaama uu ku yeeshay saameyn xoogan, waxaana laga war sugayaa go’aanka dowladda ee la xiriira soo gabagabeynta kiiskan argagaxa weyn leh.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleTurkiga oo Muujiyay Rajo ay ka qabaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro
Next articleATMIS oo kusoo Biirtay Xiisada Jubaland iyo Dowlada Soomaaliya