Home Wararka Somaliya Somaliland Xog Cusub oo kasoo Korartay Geerida Fanaanad Asma Saban

Xog Cusub oo kasoo Korartay Geerida Fanaanad Asma Saban

0

Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay fanaanada Asma Xasan Ismaaciil oo ku caan ahayd Asma Saban oo ka mid ahayd faaniinta Xiddigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland.

Sida uu sheegay abwaan Maxamed Siciid Cabdilaahi Xarago, marxuumadda ayaa shalay gelinkii denbe ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee caasimada ee maamulkaasi.

“Way caafimaad qabtay, wax xanuuna ahna ma qabin waa mowtul qafle ‘geeri deg deg ah’, waana u ducaynayaa haddaan nahay bahda xiddigaha geeska “ ayuu yiri abwaan Xarago.

Guddoomiyaha kooxda xiddigaha geeska Cabdiweli Ibraahim Furinle ayaa isguna BBC u sheegay in Asma ahayd mid ka mid ahayd xiddigaha kooxda.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timo Asma, kaalinteeda kooxda waxay ahayd heesaa, kaalin fiican yeyna kaga jirtay kooxda” ayuu yiri Furinle oo la hadlayay BBC da.

Dhinaca kale maqalka geerida ka dib baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku faafay war sheegaya in marxuumadu is dishay.

Ad
Previous articleInkabada 70 Askari oo Maraykan iyo Israiliyiin ah oo lagu Dilay Yeman
Next articleVilla Soomaaliya oo Jawaab kale ka Bixisay Dhalinyaradii Ka xumaatay Hadalkii Xasan Shiikh ee Shiidka