Home Wararka Maanta Xog cusub oo ka soo korortay 5 qof oo loo xiray dilkii...

Xog cusub oo ka soo korortay 5 qof oo loo xiray dilkii Cabdinaasir Dahable

0

Qaar kamida Ehellada iyo Waalidiinta dhalinyaradii reer Somaliland ee loo xiray dilkii Injineer Cabdinaasir Dahable ayaa maanta la hadlay warbaahinta iyagoo qabao cabasho weyn.

Cabdinaasir oo kasoo jeeday Gobolka Awdal ayaa lagu dilay Muqdisho, gaar ahaan qolkiisa, guri uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dhalinyaro u badan reer waqooyi ayaa loo qabtay dilka Cabdinaasir, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.

“Waxaan maanta joognaa Awdal, waxaa Muqdisho nooga xiran shan wiil, waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa inay soo deyso hadii aysan wax dambi ah laheyn,” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii hadlay.

Waxaa soo hadlay maanta ehellada dadka loo qabtay dilkii Cabdinaasir, iyagoo sheegay in ciqaab daran ay ku wajahayaan xarunta dembi baarista booliska ee CID-da Muqdisho.

Waxay sheegeen in loo diiday in la booqdo oo xitaa ay arkaan caruurtoodii, iyadoo lasoo dhaafay bil Ramadaan oo qiimaheeda la ogyahay iyo maalmihii ka dambeeyey ee ciida.

“In wiilashaas dadkoodii iyo reerahoodii loo diido oo booqashadii ehelka meesha laga saaro, waa wax Soomaalinimada ka baxsan, sharciga lama horgeyn, waxaana naloo sheegayaa in si joogto ah loo jirdilo,” ayuu yiri Mid kamid ah odayaashii hadlay ee reer Awdal.

Sidoo kale odayaasha u hadlay ehellada waxay sheegeen inay ka war heleen in dhalinyarada loo soo xiray kiiskaas ay la kulmaan tacadiyo culus iyo jirdil joogto ah, iyagoo codsi h diray dowladda federaalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMa Dhab baa in Marwo Catriona Laing Dalka Soomaaliya laga Cayriyay?
Next articleMarkabkii Ugu Horeeyey ew Sugaaya Amaanka Xeebaha Soomaaliya oo Maantay Muqdisho Soo Garaaya