Home Wararka Caalamka Xisbullah oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa’iil

Xisbullah oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa’iil

0

Ururka Xisbullah ayaa gantaallo ku garaacay goobo ku yaalla waqooyiga Israa’iil, kuwaas oo gaaraya ilaa 150 gantaal, waana weerarkii ugu weynaa ee ururku ku qaado Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Ururka xisbulah ayaa wacad ku maray inuu sii kordhin doono howlgallada ka dhanka ah Israa’iil.

Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay dileen hoggaamiyihii caanka ahaa ee Xisbullah kadib weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in inta badan gantaalladaasi la qabtay, halka qaar ka mid ahna ay ku dhaceen gobollada waqooyi ee dalkaasi, taasoo sababtay in uu halkaasi dab ka kaco.

Isla markiiba, ciidamada Israa’iil waxay ku jawaabeen duqaymo dhowr ah oo ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Xisbullah.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in gantaalladooda ay la beegsadeen dhowr meelood oo ka tirsan dhulka Israa’iil, oo ay ku jiraan xarunta dhexe ee ciidanka woqooyiga ee saldhigga Ein Zeitim iyo warshad milateri oo ku taal Sasa’a.

War rasmi ah oo uu ururka soo saaray ayuu ku sheegay in weerarka uu jawaab u ahaa 4 ka mid ah xubnihiisa oo uu ku jiro taliye ciidan oo la dilay fiidnimadii Talaadada ee aynu ka soo gudubnay.

Habeenimadii Talaadada, ciidamada Israa’iil ayaa beegsaday guri ku yaal deegaanka Joya, oo ka tirsan degmada Tire, taasoo keentay in la dilo xubnaha xisbiga.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Arbacadii maanta lagu dilay xubno ka tirsan xisbiga weerar lagu bartilmaameedsaday xaruun ay ku sheegeen “xarunta taliska iyo maamulka” ee Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

TV-ga Al-Manar, oo xiriir la leh Xisbullah, ayaa ka soo xigtay Hashem Safi al-Din, madaxa golaha fulinta ee xisbiga, in xisbigu uu “kordhin doono xoogga, tirada iyo tayada” hawlgallada ka dhanka ah Israa’iil.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Go,aan Ka Gaartay Arin Dadka Soomaaliyeed Dhib Wayn ku Qabeen
Next articleMusuuliyiin Sar sare oo Booqday Deegaankaan oo laba Maalin ka Hor Alshabaab Laga Saaray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here