Home Wararka Maanta Xisbullah oo gantaalo ku weerartay Tel Aviv

Xisbullah oo gantaalo ku weerartay Tel Aviv

0

Xisbullah ayaa gantaal la beegsatay Tel Aviv, tanina waxa ay fariin u tahay Israa’iil oo weerar dhankacirka ah ku heysay kooxda, waxa ayna muujineysaa in ay wali halis yihiin Xisbullah.

kooxda Xisbullah waxa ay wajahayaan weeraro ka imaanaya Israa’iil kuwaas oo lala beegsanayo dhinacyo badan oo dhulka Lubnaan ah.

waxaa sidoo kale kooxda Xisbullah lala beegsaday weerar dhanka cirka ah oo laga fuliyay dhufeys ay ku lahaayeen Dahieh oo ah koonfurta Beirut, waxaana weerarkaas lala beegsaday qeyb kamid ah guutada Radwan.

weerarro kale ayaa lala beegsaday goobaha gantaalada ee Xisbullah.

duqeymihii u danbeeyay magaalooyinka Lubnaan ayay ku dhinteen ku dhawaad 500 oo qof kuwaas oo u badan dad rayid ah sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Lubnaan.

todobaadkii hore ayay ahayd markii weerar dhanka isgaarsiinta ah lagu qaaday Xisbullah, waxa ayna sheegeen in ay ka falcelinayaan weerarkaas.

duqeymaha haatan lala beegsanayo Lubnaan ayaa ah kuwo aad u xoogan marka laga soo tago dagaalkii sokeeye, sanadkii 1990-kii.

Xisbullah ayaa dhankooda sheegay in ay sii wadayaan weerarradooda, iyadoona Israa’iil la sheegay in laga yaabo in ay qorsheyso duulaan dhanka dhulka ah oo ay ku qaado koonfurta Lubnaan.

Dadka ku nool koonfurta Lubnaan ayaa qaxaya waxa ayna ku wajahanyihiin dhanka waqooyi si ay amman u helaan.

Ad
Previous articleMaxay Mareykanku ka dhaheen duqeymaha ay is dhaafsanayaan Israa’iil iyo Xisbullah
Next articleWaa Sidee Xaalada Deeganaadii Galmudug ee Dagaalada Qaraar Shalay Ka Dhaceen?