Home Wararka Caalamka Xisbiga Socialdemokrat-ka oo diiday in Deganaanshaha Rasmiga laga Ceshto Dadka heesta

Xisbiga Socialdemokrat-ka oo diiday in Deganaanshaha Rasmiga laga Ceshto Dadka heesta

0

Xisbiga Social Democratic ee Sweden ayaa ku dhawaaqay inuu diiday soo jeedinta dowladda ee ah in lagala noqdo ruqsadaha degenaanshaha joogtada ah xaaladaha qaarkood, iyagoo tallaabada ku tilmaamay mid “aan macquul ahayn” oo laga yaabo inay “sharci darro tahay”

Afhayeenka siyaasadda socdaalka ee xisbiga, Ida Karkjainen, ayaa ku tilmaantay soo jeedintan mid khatar ku ah xuquuqda dadka ku noolaa Sweden sannado badan, iyadoo u sheegtay wargeyska DN ,

“Tani waxay ku saabsan tahay in la laalo go’aanno la gaaray sannado ka hor. Su’aashu waxay tahay in soo jeedintu ay sharci tahay marka hore.”

Guddi baaritaan oo ka tirsan dowladda ayaa bishii Sebtembar ee la soo dhaafay soo gudbiyay soo jeedin ah in laga noqdo degenaanshaha rasmiga ah , taasoo bartilmaameedsanaysa dadka magangalyo doonka ah ee helay degenaanshaha rasmiga ah ee Sweden, iyo sidoo kale xubnaha qoysaskooda ee helay degenaanshaha rasmiga ah.

 

Ad