Home Wararka Caalamka Xisbiga SD oo dalbaday in la joojiyo lana xiro dugsiyada Islaamiga ah...

Xisbiga SD oo dalbaday in la joojiyo lana xiro dugsiyada Islaamiga ah ee gaarka loo leeyahay ee Sweden

0

Xisbiga Sweden Democrats (SD) ayaa ku baaqay in la joojiyo aasaaska dugsiyo Islaami ah oo gaar loo leeyahay oo cusub oo laga dhiso Sweden, isla markaana la xiro kuwa hadda ka jira dalka, iyadoo la doonayo in la soo rogo mamnuucid guud oo ku saabsan dhammaan noocyada dugsiyadan.

Xisbigu wuxuu qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee X ku sheegay in “cilladaha iyo khaladaadka ka jira dugsiyada Islaamiga ah ee gaarka loo leeyahay marar badan la soo bandhigay”.

Sida uu xisbigu sheegay, dugsiyadani “waxay xoojiyaan kala sooca bulshada, carruurtana ka go’doomiyaan bulshada Sweden, waxayna bixiyaan waxbarasho hoos u dhigaysa qiyamka aasaasiga ah ee dimuqraadiyadda”.

Sidoo kale, xisbigu wuxuu carrabka ku adkeeyay qoraalkiisa in “ay aad muhiim u tahay in la sameeyo wax kasta oo suurtagal ah si looga hortago waxa uu ugu yeeray Islaameynta ka socota Sweden.”

Ad