Home Wararka Somaliya Jubbaland Xilliga ay qabsoomeyso doorashada Jubaland oo la shaaciyay

Xilliga ay qabsoomeyso doorashada Jubaland oo la shaaciyay

0

Iyadoo dhowaan baarlamaanka Jubaland ay u codeeyeen wax ka beddelka qodobbo ka mid ah dastuurka, ayaa waxaa soo baxayay hubanti la’aan ku aaddan xilliga ay qabsoomeyso doorashada madxatinnimada maamul-goboleedkaas.

Wax ka beddelka dastuurka ayay mucaaradka Jubaland kasoo horjeesteen, iyagoo walaac ka qaba inay taas horseedeyso muddo kororsi.

Siyaasiyiinta maamul-goboleedkaas oo qaar ka mid ah ay yihiin musharraxiinta madaxtinnimada ayaa dalbanayay in la shaaciyo xilliga rasmiga ah ee ay doorashadu dhacayso.

Wasiir ku xigeen wasaaradda caddaaladda iyo Dastuurka Jubaland Bishaar Aadan oo ka qeyb galayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC ayaa sheegay in bisha Novemebr ee nagu soo aaddan ay dhici doonto doorashada.

Mucaaradka ayaa dood ka qaba in muddo-xileedka baarlamaanka Jubaland oo sanad loogu daray uu ku ek yahay bisha August. Waxayna walaac ka qabaan in doorashada ay ku dhici karto waqtigaas, maaddaama sida ay sheegayaan aysan waxba diyaarsaneyn.

Ad
Previous articleRag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya
Next articleDagaal markale Dhex Maray Beelaha Sacad iyo laylkase iyo Ciidamo Loo Diray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here