Home Wararka Maanta Xildhibaano Muqdisho kaga dhawaaqay kutlada badbaado Qaran

Xildhibaano Muqdisho kaga dhawaaqay kutlada badbaado Qaran

0

Ku-dhowaad boqol Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta kulan ku yeeshay Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kulanka Xildhibaanada looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo marxalada kala guurka ah ee dalka, ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Mahad Max’ed Salaad oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa faahfaahin ka bixiyay Qoraal kasoo baxay kulankooda, isagoo xusay in 94 xildhibaan ay ka qeyb galeen, kuwaasoo uu xusay ku midoobeen Kutlad loo bixiyey (Badbaadada Qaranka).

Waxaa uu intaas ku daray in Xildhibaanadan ku dhawaaqay kutlada badbaadinta Qaranka ay ujeedadoodu tahay in dalka laga badbaadiyo inuu ka dhaco firaaq Dastuuri ah.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku fashilmay inuu dalka ka qabto doorasho, sidoo kalena uu la heshiin waayay Madaxda dowlad Goboleedyada, isagoo xusay ineysan marnaba aqbali doonin in Madaxda dowladda sameystaan muddo kororsi.

“Xukuumadda xil gaarsiinta haatan shaqadooda waxay tahay mid iska caadi ah, hase yeeshee arrimo dastuuri ah ma fara gashan karaan” ayuu yiri Mahad Salaad.

Talaabadan ay qaadeen xildhibaanada ayaa ku soo beegantay xili la hadal hayo RW Rooble oo beri hortagaya golaha shacabka uu wato qorshe la xiriira muddo kororsi labo sano ah iyo in wax laga bedelo nooca doorasho ee lagu heshiiyey.

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo shir kale iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada
Next articleRaisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirka uu Farmaajo ku baaqay in Garoowe uu ka furmo