Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa saakay ka socota doorashada Xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.
Kursiga tirsigiisu yahay Hop099Â ayaa loo doortay Axmed Madoobe Nuunow oo katirsan Wasiiradda maamulka Koonfur Galbeed waxa uuna helay 75-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinasir Ibraahim Aadan isna helay 25-cod.
Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee tirsigiisu yahay Hop168 ku guuleesatay Luul Ibraahim Cumar oo heshay 86-cod halka musharaxii kursiga kula tartantay Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15-cod.
Magaalada Baydhabo waxaa sidoo kale ka socota doorashada kuraas kale oo kamid noqonaya gollaha shacabka, waxaana maanta qorshuhu yahay in magaaladaasi lagu doorto ilaa lix Xildhibaan.