Home Wararka Maanta Xildhibaanno balan-qaad cusub ka sameeyey Dagaalkaka Dhanka ah Al-Shabaab

Xildhibaanno balan-qaad cusub ka sameeyey Dagaalkaka Dhanka ah Al-Shabaab

0

Xildhibaan Maxamed Buraale iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa maanta Hiiraan kula hadlay dadka beeshooda ee u istaagay inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanadaan oo dadkooda ku dhiira-geliyey halganka ay ku jiraan ayaa u balan qaaday inay dhex joogi doonaan deegaanada beeshooda inta ay dagaalka kula jiraan Al-Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa yiri, “Dagaalka lagula jiro cadowga ee Hiiraan, waxa uu ku bilowday si fudud oo aan horey loogu balamin, balse maanta wuxuu marayaa in Soomaali oo dhan ku wada baraarugto, mana ka hari doono Shabaab ilaa dalka laga wada xoreeyo.”

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Buraale ayaa dadkiisa u balan qaaday markii laga guuleysto Al-Shabaab inuu u dhisi doono goobo waxbarasho iyo xarumo caafimaad.

“Waxa ugu muhimsan ee aan howlgalka qeyb uga nahay waa in Khawaarijta laga xoreeyo dhulkeena, kadibna laga hirgaliyo adeegyadii bulshada,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale.

Halgan xoog leh oo Al-shabaab looga xoreynayo deegaanadii ay heysteen ayaa ka socda gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in siyaasiyiinta, saraakiisha, masuuliyiinta iyo shacabka reer Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle aysan u kala harin dagaalkaan.

Ad
Previous articleMareykanka Oo Sheegay In Shiinaha Khatar Ku Yahay Danahiisa.
Next articleWasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Magaalo laga Abaabulaayo Dagaalka Alshabaab