Home Wararka Maanta Xildhibaankii ugu horeeyey oo maantay ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa bishaan u hibeeyey...

Xildhibaankii ugu horeeyey oo maantay ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa bishaan u hibeeyey Ciidamada Puntland

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa u jarayo ciidamada Puntland, oo haatan dagaal adag kula jira kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Xildhibaan Warsame ayaa xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay gacan ka geystaan taakulada ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, xilli uu maamulka Puntland sameeyay sanduuq lagu garab istaagayo ciidanka.

“Bil mushaarkayga ah ayaan ku deeqay, waxaanan ku dhiirrigelinayaa labada Gole ee Baarlamaanka in ay gacan ka geystaan taakuleynta naftood hurayaasha difaaca dalkeena iyo diinteena u halgamaya,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa ka qayb-qaadashada taakulaynta ciidanka naftood hurayaasha ah ee la diriraya cadowga argagixisada ah ee dalkeenna ku soo duulay.”

Guddiga taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ciidanka Puntland ayaa sameeyay “sanduuqa taakulaynta ciidanka Puntland”, iyagoo guddiga soo bandhigay akoonada taakuulada ciidanka lagu garab istaagayo loogu shubayo.

Guddiag taakulaynta ayaa ballan-qaaday inay si daah-furan bulshada ula wadaagi doonaan taakuladda ciidanka lasoo gaarsiiyo, taas oo bulshada ugu muujinayaan in gacan aamin ah ku dhaceyso dhaqaalaha loogu tala-galay ciidamada dagaalka ku jira.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDuqayn lagu laayay Daacish oo ka dhacday Buuraha puntland
Next articleMadaxweyne Ciro oo ku Dhawaaqay Dal wayn oo Dhawaan aqoonsan Doona Soomaaliland