Xildhibaanada maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si cad uga hor yimid soo jeedin ay sheegeen inay ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh taas oo ahayd in kursiga guddoomiyaha baarlamaanka loo xiro beel gaar ah. Xildhibaanadu waxay sheegeen in soo jeedintaasi aysan lahayn sal sharci ah isla markaana aysan marnaba aqbali doonin.
Sida ay warbaahinta u sheegeen xildhibaanadu waxay tilmaameen in arrintan aan si rasmi ah loo shaacin balse si hoose loogu gudbiyey xubnaha baarlamaanka cusub taasoo dhalisay dood iyo muran ku saabsan hannaanka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa hoosta ka xariiqay in doorashada lagu wajahayo si siman oo caddaalad ah isla markaana cid kasta oo isku soo sharaxda xilalka kala duwan sida guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha ay xaq u leeyihiin inay si xor ah ugu tartamaan iyada oo aan beel gaar ah loo xirin kuraasta muhiimka ah.
“Qofkii aragti iyo aqoonleh qofkii 83 xildhibaan hogaamin kara ha iskeeno, Anagu baarlamaan baanu nahay kitaabaan nala mariyey inaanan cid u eexan inaanan laaluush qaadan inaanan dadka kala jeclaysan arrintaasna qofkii la yimaada wax un bay ka xumaynaysaa waxba uma hagaajinayso” Xildhibaan Cabdirisaaq Halabsade.
Dhanka kale odayaal ka tirsan beelaha gobolka Sanaag ayaa horay u sheegay inaysan markan u tartamayn kursiga madaxweynaha inkasta oo ay jiraan musharraxiin ka soo jeeda gobolkaas oo weli ku jira tartanka. Go’aankan ayaa loo arkay mid ku dhowaa in kursiga madaxtinimada loo xiro beel gaar ah.
Magaalada Laascaanood ayaa haatan si weyn looga dareemayaa qaban-qaabada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada maamulka cusub. Doorashooyinkan ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro muddo 10 cisho gudahood ah, waxaana indhaha bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka oo dhan ay ku wajahan yihiin natiijada kasoo baxda.