Home Wararka Maanta Xildhibaanada Federaalka Ee laga Soo Doortay Galmudug oo Qoor Qoor Weeraray akhriso...

Xildhibaanada Federaalka Ee laga Soo Doortay Galmudug oo Qoor Qoor Weeraray akhriso Xogta Xildhibaan dayax

0

Sideedaba kursiga Madaxweynenimo waxaa la socda laba arrmimood: xil iyo maamuus.

Xil (Mandate) waa xilka ama waqtiga la doortay madaxweynaha oo siinaya awoodo gaar ahaaneed. Tusaale ahaan waxa uu leeyahay awoodda in uu saxiixo xukun dil ah oo muwaaddin lagu fuliyo. Xilku waa mid xaddidan oo muddo xileed ku jaan go’an, afar sano.

Haddaba Axmed QoorQoor oo ah mdaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday February 2024, waxaa halkaas uga idlaaday xilkii (Mandate) uu umadda u hayay. Maanta xaq uma laha in uu go’aamo u gaaro reer Galmudug.

Maamuus (Protocol) waa sharafka la siiyo madaxweynaha, waana mid had iyo jeer lagu kabo habdhaqankiisa iyo qiyamkiisa. Qoor Qoor, muddadii uu xilka hayay, wuxuu waqtigiisa ku dhameystay in uu dadka reer Galmudug isku diro ka dhex shaqaysto isaga oo kawaan ka dhex sameeyay beelaha dega Galmudug.

Inta uu Glamudug joogay waxaa dhacay 39 dagaal-beeleed. Waxaa aano qabiil loo dilay 587 qof.

Intaas waxaa dheer in aanu QoorQoor fahmin, maamuuska kursiga uuna ka soo dhex caayo qolkiisa ku yaalay Dhuusamareeb lag soo bilaabo Madaxweyne Xasan Sheekh ilaa biitoooniga uga shaqeeyo Madaxtooyada.
Sheekh iyo shariif midna kama badbaadin afkiisa. Waxaase anfariir ah in uu maanta rabo aflagaadadaas in uu u adeegsado olole doorasho.

Qoorqoor waxaan leenahay Dacayadaas Raqiiska ah iska soo badal horay ayay kuugu martay, balse maanta wey ku heysataa.

Waxaa qoray xildhiban Dayax Cumar

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleMid ka mid ah xildhibaanada Federalka ee ugu Samaaynta Badnaa Galmudug oo Qoor Qoor Weeraray
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo soo Faragaliyay hubkii lagu Boobay Caabudwaaq