Home Wararka Maanta Xildhibaanada Beesha Hawiye oo kulan Xasaasi ah Yeeshay Soona Saaray Qodobadaan

Xildhibaanada Beesha Hawiye oo kulan Xasaasi ah Yeeshay Soona Saaray Qodobadaan

0

Xildhibaanaha Beesha Hawiye oo mar kale xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan cabashada kasoo yeereyso ganacsatada Muqdisho.

Kulankan oo laga soo saaray go’aanno culus ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay ganacsato ,siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda Beesha Muddulood, waxaana dhinacyadu ay ka wada-hadleen culeysyada jira iyo qaladaad ay sheegeen inay gaysaneyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shirka laga soo saaray 4 qodob oo xasaasi ah, ayada oo lagu iclaamiyay shir ay xildhibaannada Hawiye ku sheegeen in lagu badbaadinayo dalka, isla markaana ay isaga bari yeelayaan dhibaato ay sheegeen inuu gaysanayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Falanqeyn iyo dood dheer ka dib waxaa la isku raacay:-

1. Waxaa la doortay guddi qabaqaabo Shirweyne Hawiye si Hawiye uu isaga badbaadiyo, ummadda soomaaliyeedna ugu badbaadiyo ,isagana bari yeelo khatarta jirta iyo in magaca dowladeed lagu geysanayo ku tagrifal awoodeed taas oo uu masuuliyadda koowaad leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Shiikh Maxamuud maadaama iyagu ay leeyihiin gacan qabashadiisa oo u uku abirsado, badankoodna ay lahaayeen sababta guushiisa .

2. In xal loo helo cabashada xarka goostsya ee Ganacsatada Soomaaliyeed oo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa ka haysta dhiigmiirad aan u naxaynin taas oo ay u dheer tahay codowga Khawaarijta oo amarro naf lacaarinimo ay ka muuqato dul dhigay.

3. In Gogosha la balaariyo oo lagu casuumo dhamaan wax garadka qabaa’ilka Soomaaliyeed ,sabatoo ah hab dhaqanka rajiimka talada haya maahan mid u adeegaya danta guud ee Shacabka ,midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

4. In Siyaasiyiinta dalka loogu baaqo in ay u I staagaan ka qeyb qaadashada toosinta dowladnimada si aan dalka uga dhicin haadaan aan laga soo saari karo iyo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dalal leh maslaxadooda gaarka ah.

Shirkan ayaa daba socday shir hore oo ay xildhibaannadan ku yeesheen guriga madaxweyniii hore Sheekh Shariif, kaas oo looga hadlay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan culeyska ganacsatada ee ku aadan canshuuraha ee lagu rogay reer Muqdisho

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleItoobiya oo Ugu Danbayn Heshay Baddii ay ku taamaysay
Next articleWaa Sidee Xalada Magaalada Ceerigaabo Maantay?