Xildhibaannada Beelaha Hawiye ee ku matala Baarlamaanka labada Aqal oo maanta shir ku yeeshay Guriga Madaxweynihii Hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa looga hadlay xaalada dalka iyo dhibaatada heysata Shacabka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.
Ilo wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Xildhibaannada ay si weyn uga hadleen culeyska ay wajahayaan ganacsatada, gaar ahaan dhinaca dowladda iyo sidoo kale kuwa uga imaanaya dhanka Argagixisada AS oo bilaabay burburin iyo hanjabaad ay ku hayaan ganacsigooda.
Falanqeyn dheer kaddib Xildhibaannada ayaa isku raacay in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Ganacsatada, loona istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada jira.