Home Wararka Maanta Xildhibaanad katirsaneyd Baarlamaanka Afganistan oo la toogtay iyo Taliban oo War Kasoo...

Xildhibaanad katirsaneyd Baarlamaanka Afganistan oo la toogtay iyo Taliban oo War Kasoo Saartay

0

Xildhibaanad katirsaneyd baarlamaankii ugu dambeeyay ee dalka Afganistan ayaa toogasho lagu dilay iyada iyo mid kamid ah ilaaladeeda, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay xubno kale oo qoyskeeda kamid ah.

Weerarka lagu dilay xildhibaan Mursal Nabizada, oo 32 sanno jir aheyd ayaa ka dhacay guri ay ka degneed magaalada Kabul, waxaana weerarkan lagu dilay mid kamid ah ilaaladeeda halka lagu dhaawacay walaalkeed iyo nin kale oo ilaaladeeda kamid ahaa.

Afhayeenka booliiska magaalada Kabul, Khalid Zadran ayaa warbaahinta u sheegay in uu dhacay weerar lagu dilay xildhibaanad hore Mursal Nabizada iyo mid kamid ah ilaaladeeda, waxa uuna sheegay afhayeenka in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkan.

Xildhibaanada la dilay ee Mursal Nabizada ayaa baarlamanaka dalka Afganistan kamid noqotay sannadkii 2018-kii, waxa ayna aheyd xildhibaanad kahor inta aysan Taalibaan la wareegin talada dalka Afganistan.

Haweeneydan iyo kuwa kale oon badneen ayaa go’aansaday in dalkooda isaga negaadaan markii Talilabn talada la wareegtay, waxaana dilka loo geestay xildhibaanadan hore cabsi ku abuuray xildhibaano iyo dad kale oo horey xilal usoo qabtay oo wali jooga Afganistan.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleShirka Dib U Heshiisiinta Koofur Galbeed Oo Maanta Ka Furmayo Magaalada Baydhabo
Next articleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Dowlada oo La Wareegay Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud