Home Wararka Maanta Xildhibaan Xaadoole oo war culus kasoo saaray Shabaab-ka soo buux dhaafiyay Balcad

Xildhibaan Xaadoole oo war culus kasoo saaray Shabaab-ka soo buux dhaafiyay Balcad

0

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulan sanadeed lagu qabtay gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Xaadoole ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday xaaladda ka taagan duleedka degmada Balcad, isaga oo sheegay inay soo buux dhaafiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa xusay in Al-Shabaab ay joogaan deegaanada u dhow Balcad, isla markanaara ay halkaas ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo weeraro beegsi ah.

“Waa kan isgoyska Gololey, Xawaadley, Shanlow iyo Dhagaxow ayay joogaan Al-Shabaab, waana Balcad afkeeda, meesha la yiraahdo kulanka haddii aad dhaafto igaarta waa lagu dilayaa” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole oo ka hadlay shira ka dhacay Shabeelah Dhexe.

Cismaan Xaadoole ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay hubka qaataan, isla markaana ay iska dhiciyaan Al-Shabaab, si looga hortago abaabulka ay ka waddo halkaasi.

“Shalay waxaa laga soo raacdeeyay ninka la yiraahdo Muriidi Xasan Gurey ee Cadowgaas ma dheer yahay? yaanan ugu simin diyaarad iyo milatari ee aan aniga ku shahaadno aana iska celinayo” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle ay ku garab istaagi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

“Beesha aan baarlamaanka ku metelo dhul kama heystaan kooxaha Khawaarijta ah, hadana waxaan diyaar u nahay in dowladda aan ku garab istaagno xoreynta deegaanada kale ee dalka.” ayuu mar kale yiri Cismaan Xaadoole oo horay u ahaa sarkaal ciidan.

Si kastaba, HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii 1-aad ee dagaalka, balse mar kale ayay u muuqataa in kooxda ay kusoo rogaal celisay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ad
Previous articleATMIS oo Saldhigaan Maantay Ku wareejiyay Ciidamada Dowlada Xili ay Baxayaan
Next articleMa Dhabaa in Beri Asad Diyaano loo Magacaabi Doono Taliye Booliska Soomaaliya?