Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay shalay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beledweyne ay kula kulmeen iyo dagaalka Al-Shabaab.
“Dagaalkaan waxaa iclaamiyey Madaxweynaha, kulan gaar ah ayaan la yeelanay aniga waxgaradka beesha, wuxuu naga balan qaaday in wixii qaldan la sixi doono, laakiin in la xoreeyo dhulkeenna ayaa wax kasta ka horeysa,” ayuu yiri.
“Meel kasta oo beesha aan metelo ay degan tahay, Hiiraan ilaa Jubbaland, maalmaha soo socda dagaal ka culus kuwii hore oo kooxda Al-Shabaab lagu laayo ayaa ka bilaaba doona, jaaliyadaha beesha waxaan ka codsanayaa inay garab istaag noo muujiyaan,” ayuu yiri.
Xildhibaan Jeesow ayaa intaas ku sii daray, “Deegaanka aan kasoo jeedo ee galbeed Hiiraan waxaa laga bilaabayaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, Madaxweynaha waan kawada hadlay howlgalkaas, wixii tabasho ah waa la xalinaa, socdaalkii madaxweynaha ayaa ahaa in la dardar geliyo dagaalka, waana dhaqaaqeynaa.”