Home Wararka Maanta Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo Jawaab Kulul Siisay Madaale kuna Tilmaamtay

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo Jawaab Kulul Siisay Madaale kuna Tilmaamtay

0

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si kulul ugu jawaabtay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo shalay weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada mucaaradka ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaale ayaa ku eedeeyay xildhibaannadaas inay yihiin hunguri raadis, isla markaana ay ku fashilmeen siyaasadda iyo waajibaadkii loo igmaday.

“Xildhibaan Hunguri raadis ah miyuu la tashanayaa Madaxweynaha?. Xildhibaanoow waxa aad siyaasad ku raadineyso ka fikir” ayuu horay u yiri guddooiye Yuusuf Madaale.

Faa’iso Jayte oo maanta hadal ka jeedisay kulanka Golaha Shacabka ayaa ku eedeysay Madaale inuu mar kasta u gefo baarlamaanka Soomaaliyeed, isla markaana uu caayo xildhibaannada, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madaale hadda waxa uu gaaray inuu Idaacadihii wacdo oo uu baarlamaanka caayo, isaga iyo dad kale ayaa lacag lagu siiyaa inay caayaan xildhibaanada” ayay ku jawaabtay Faa’iso.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaale uu isagu ku fashilmay shaqadii loo igmaday, isla markaana laga rabo inuu wax ka qabto dhiiqada daadsan Muqdisho.

“Xagaa haddii uu da’o lambar 4 afar booyad ayaa la keenaa horta mala geli karo kii kale oo jaayga godad ayaa laga qoday isna lama mari karo, waay uu wax u sheegaa ceebtiisa maba is ogee hoos inuu isku fiiriyo waayay marka uu qof caayaayo” ayay ku sii dartay Faa’iso.

Waxa ay sii raacisay “Waxaa la dhahaa ninka aad kobaha ka tolaneysid waxaa la fiiriyaa kobahiisa qof nuucaas ah oo iyada dhiiqo ku dhex jirto inay maalin kasto xildhibaan caayso ma aha”.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWasiir Maareeye oo Si yaab leh Uga Hadlay Xildhibaanada Mucaaradka
Next articleXasan Shiikh oo War kasoo saaray Jabkii Alshabaab lagu gaarsiiyay Buulaxaaji