Home Wararka Maanta Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray qaylo dhaan ka...

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda dalka

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda dalka, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u cambaareeyay xarigga loo gaystay Wariye Cali Aadan Muumin oo xalay xabsiga la dhigay iyo sidoo kale is hortaaggii lagu sameeyay xildhibaannada Jubbaland ee laga celiyay Kismaayo.

Siyaasigan oo si weyn weerar ugu qaaday Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabooyinka uu qaaday ay muujinayaan taag-yaradiisa, maadaama uu dhammaanayo muddo xileedkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warsame ayaa su’uaal ka keenay waxa loo cuksaday xarigga Wariye Cali Aadan Muumin, wuxuuna yiri “Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax”.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan jebinta shuruucda dalka oo uu ugu horreeyo dastuurka iyo burburinta hantida guud ee qaranka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Xarigga Cali,  Xildhibaannadii safarka laga xayiray, iyo kulamada siyaasadeed ee la hor istaagay waa ififaalo muujinaya taagyarida rajiimka muddo xileedkiisu dhammaanayo. Waxay kaloo caddayn u tahay in xeeladdii xil iyo xoolo ku aamusinta ee caadada u ahayd rajiimka ay shaqayn la’dahay.

Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax”

Madax dastuurkii dalka beddeshay, sharcina uusan xakamaynin, awoddii dowladeed iyo hantidii qaranka ku takrifalaysa ayaa ku leh ciddii wax naga sheegta waa danbiile.

Dhurwaa baa laga sheegay gano Doofaar baa ii sahansan, innaguna waxaan leenahay Tiiro-dhigga rajiimka inoo sahansan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleYaa saakay Haysta oo ku sugan Magaalada Biyacade oo shalay Dagaalo ay ku qabsadeen?
Next articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo la wareegay Deegaan Muhiim ah oo kuyaal Gobalka Shabeelada dhexe