Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye ayaa xalay qaaday tallaabo culus wuxuuna isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirada, sida lagu caddeeyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.
Wareegtadan ayaa waxaa lagu magacaabay illaa 13 xubnood oo uu ku jiro taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo loo magacaabay wasiirka cadaaladda ee maamulka SSC-Khaatumo.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Xeer Hoggaamiye 16/2024
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo
Markuu Arkay: Aragtida Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo
Markuu Arkay: Qodobka 6aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo
Markuu Arkay: Qodobka 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo
Markuu Arkay: Qodobka 15aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatum
Markuu ku Qancay: Aqoonta iyo waayo aragnimada Masuuliyiintan
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la helo Masuuliyiin hanan kara Xilalka loo igmaday
Markuu La Tashaday: Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo
Wuxuu go’aamiyey
In laga bilaabo maanta oo Taariikhdu tahay 12/05/2024 Masuuliyiintani qabtaan xilalka loo magcaabay
1. Waxaa Mud. Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3. Waxaa Mud. Najiib Barkhadle Warsame loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
4. Waxaa Mud. Ibraahim Jaamac Reygal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Amniga
5. Waxaa Mud. Dr Axmed Xaashi Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada