Home Wararka Maanta Xeerbeegtida oo dambi Culus ku helay Soomaali degan Minnesota

Xeerbeegtida oo dambi Culus ku helay Soomaali degan Minnesota

0

Xeerbeegtida ayaa dambi ku helay shan qof oo Soomaali ah oo degan Minnesota, waxayna ku waayeen labo qof oo kale Jimcihii, doorarkii ay ku lahaayeen shirqool lagu xaday in ka badan $40 milyan oo qeyb ka aheyd barnaamij loogu talo-galay in lagu quudiyo carruurta intii uu socday Coronavirus.

Kiiskan ayaa soo jiitay dareen badan ka dib markii qof uu isku dayay in uu laaluusho xeerbeegti, isaga oo u keenay shandad ay ku jirto lacag dhan $120,000 oo caddaan ah.

Xeerbeegtigaas ayaa la beddelay ka hor inta aan la guda gelin go’aan gaarista, waxaana sidoo kale la eryay xeerbeegti labaad oo arrintaas loo sheegay. Baaritaanka FBI-da ee isku dayga laaluushka ayaa sii socda, iyadoo aan la shaacin cid loo qabtay.

Ka dib markii la akhriyay xukunnada, kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Joe Thompson ayaa isku dayga laaluushka ku tilmaamay “weerar lagu qaaday nidaamkeena cadaaladda dembiyada,” wuxuuna u sheegay suxufiyiinta in mas’uuliyiintu ay baari doonaan.

Ma bixin wax faallo ah oo kale oo arrintan ku saabsan, wuxuuna muujiyay inuu ku qanacsan yahay xukunnada kiiskan khiyaanada ah.

“Been ayey sheegeen waxayna si khiyaano ah u sheegteen inay malaayiin cunto ah ku quudinayeen carruurta Minnesota intii uu socday COVID-19. Eedaysanayaashu waxay ka faa’iidaysteen masiibada COVID-19 si ay khiyaameeyaan gobolka Minnesota waxayna xadeen tobanaan milyan oo dollar,” ayuu yiri Thompson.

“Dhaqankani ma ahayn dambi oo kaliya, ee wuxuu ahaa dhaqan xumo iyo nacasnimo.”

Qareennada difaaca ayaa ku dooday intii ay maxkamadda socotay in kalyantigooda ay cunto dhab ah siiyeen dad dhab ah.

Toddobada qof ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee 70 eedeysane oo la soo taago maxkamadda waxa dacwad oogayaasha federaalku ay ugu yeereen mid ka mid ah khiyaanooyinkii ugu weynaa ee la xiriira lacagaha lagu lunsaday COVID-19 ee Mareykanka.

In ka badan $250 milyan oo lacagta federaalka ah ayaa lagu lagu xaday Minnesota guud ahaan, iyadoo kaliya $50 milyan oo ka mid ah la soo celiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Gargaarka cunnada ayaa ka yimid Waaxda Beeraha ee Mareykanka, waxaana maamulayay gobolka, kaasi oo lacagta cuntada ku shubi jiray hay’ado aan macaash doon ahayn iyo ururo ku xiran kuwaas oo maamulayey, qorshuhuna ahaa inay caruurta ku quudiyaan.

Eedaysanayaasha ayaa lagu eedeeyay in ay soo saareen qaan sheegadka cunnooyin aan waligood la bixin, ayna abuureen shirkado been ah, sidoo kalena sameeyeen been xalaaleyn lacag iyo khiyaanooyin kale.

Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa sheegay in kaliya wax aad u yar oo ka mid ah lacagtii dowladda ay bixisay loo adeegsaday in lagu quudiyo caruurta qoysaska saboolka ah, halka inta kale loo adeegsaday in lagu iibsado baabuur raaxo, dahab, guryo iyo safarro.

Xubnaha dambiga lagu helay ayaa kala ah; Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff iyo Hayat Mohamed Nur, kuwaas oo lagu helay inta badan dacwadihii lagu soo oogay.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku sheegay Abdiaziz Farah inuu hoggaaminayey kooxda xatooyada sameysay, waxaana lagu helay 23 ka mid ah 24-kii dacwad ee lagu soo oogay.

Said Shafii Farah iyo Abdiwahab Maalim Aftin ayaa lagu waayey dhammaan dambiyadii lagu soo oogay.

Xukunka xabsiyada ay wajahayaan kuwa dambiga lagu helay ayaa la waqtiyeyn doonaa goor dambe.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaal Khasaaro Badan Gaystay oo La Beelood oo Wlaaalo ah Saaky ku Dhex Maray Galmudug
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Ka Dhacay Ceeldheer iyo Saraakiil Ku Dhimatay