Home Wararka Maanta Xasuus:Qarixii Soobe Laba maalmood ayuu burburka ku hoos jiray wiilkaan

Xasuus:Qarixii Soobe Laba maalmood ayuu burburka ku hoos jiray wiilkaan

0

Maalmo kadib markii uu dhacay qaraxii Soobe bishii October 14 keeda, sanadkii 2017 kii, ayaa waxaa jiray dad wali ku hoos jiray burburka dhismayaasha iyaga oo wali nool.

Waxaa dadkaa ka mid ahaa, Ciise Xuseen oo laba maalmood ku jiray burburka hoostiisa.

“Gaari ayaan saarnaa, qaraxa markuu dhacay wuu iga tuuray gaariga, waxaana ku dhex dhacay holac wadada geeskeeda ah, waan ku dhex guurguurtay,” ayuu yiri Ciise oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu Ciise sheegay in uu gaari ka soo raacay dhanka lambar afar. “Markaan Soobe soo gaarnay ayuu qaraxa dhacay, waan wareeray, meel kastoo aan eegay dab ayaa iga jiray,” ayuu yiri.

Sida dowladda ay sheegtay, ugu yaraan 700 oo qof ayaa ku dhimatay, balse dad kale ayaa qaba in dhimashadu kor u dhaafeyso 1000 ruux.

Sidoo kale, waxaa cisbitaallada buuxo dadkii dhaawacmay oo kor u dhaafaya 400 oo qof. Qaar ka mid ah waxaa loo qaaday dibadda si loo soo daaweeyo.

“Dhagaxii ayaa igu kor dhacay, jug baa i gaartay oo gurigaa igu kor dumay,” ayuu yiri Ciisa Xuseen oo yaallay cisbitaal.

Codkiisu waa daciif, waxaana ka muuqdo dhaawacyadii ka gaaray gacmaha iyo lugaha.

Markii la helayay, waxaa la arkay asigoo madaxiisa oo ka soo jeeda meel burburtay wuuna miyir daboolnaa. Kooxdii gurmadka ayaa soo saartay, oo ula carartay cisbitaalka.

Isla maalintaa waxaa la helay maydad kale oo dheeraad ah oo dhismayaasha ay ku dumeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Cise Xuseen wuxuu ahaa muruqmaal ka shaqeysta dhisidda guryaha iyo qaadidda dhagxaanta.

“Markii aan burburka hoos galay, gurigii wuu igu kor dumay, ka dib waxaan galay meel laba guri ay iska qabtaan,” ayuu yiri Cise.

Wuxuu intaa ku daray; “madaxa iyo gacmaha baan ka baxsaday meel yar oo ciriiri ah, qaarka dambe ayuuna dhismaha iiga fariistay, waana miyir daboolmay.”

“Dhinacyada oo dhan waan u jeesan waayay meesha ciriiri ayey ahayd, dhismahana dhinacyada oo dhan ayuu iiga soo dumay,” ayuu u sheegay BBC-da, oo ku booqatay cisbitaalka lagu daweynayo.

Ma uusan ogeyn xilli meesha laga soo saaray, wuxuuna sheegay in uu soo toosay un asagoo cisbitaalka yaalla.

Qarixii Soobe oo loo adeegsaday gaari xamuul ah waxaa lagu tilmaamay midkii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, wuxuuna sababay dhimasho aad u badan.

Meesha uu ka dhacay waxaa hadda ka bilowday dib u dhis lagu sameynayo waddada iyo dhismayaasha ku burburay.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleWar hor leh oo kasoo kordhay hogaamiyaha Xamas ee ay Israel sheegtay inay dishay
Next articleIsraail oo Maantay kaliya 320 Falastiniyiin ah Duqayn ku Xasuuqday(Sawiro)