Home Wararka Maanta Xasan Shiikh, Siisii iyo Afawerki oo Shir uu Abiya ka naxay Ku...

Xasan Shiikh, Siisii iyo Afawerki oo Shir uu Abiya ka naxay Ku Leh Eriteeriya

0

Waxaa goordhoweyd magaalada Asmara ee caasimada Eritrea ka furmay shir saddex geesood ah, kadib markii uu saacado kahor gaaray madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi.

Shirka saddex geesoodka ah ayaa waxa uu hadda u socda madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayo iskaashiga gobolka iyo xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Warbaahinta  ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.

Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, iayada oo suurtagal ay tahay in iskaashigooda ay ku wajahayaan dowladda federaalka Itoobiya.

Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa imaanaya xilli gobolka uu wajahayo xiisad ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadna heshiis difaac la gashay Masar, taas oo waji cusub u yeelay xiisadda, maadaama ay Itoobiya isku hayaan arrinta wabiga Nile.
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Ku dhawaaqay Go’aan ka Nixiyay Xasan shiikh