Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Xalay kulan Aan Caadi ahayn La qaatay Ganacdatada Muqdisho

Xasan Shiikh oo Xalay kulan Aan Caadi ahayn La qaatay Ganacdatada Muqdisho

0

Kulan ballaaran oo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxweynaha ayaa casho sharaf ku maamusay ganacsatada uu la kulmay, isaga oo ku boggaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

Sidoo kale madaxweyne Xasan oo la hadlay ganacsatada ayaa tilmaamay in mashruucan wayn uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.

Waxaa kale oo uu ganacsatada uga mahad-celiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda.

Sidoo kale wuxuu ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo dadaallada ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhankooda ganacsatada ayaa ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeelanayaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda qorshayaal waa wayn oo horumarineed, isla markaana lagu dhisayo garoon diyaaradeed oo cusub iyo dekad laga hirgelinayo banaanka caasimada.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa maalmahan waday kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo todobaadkii hore qaabilay aqoonyahannadii ka qayb-galay shirweynihii 15-aad ee Darasaadka Soomaaliyeed oo 35 kadib lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Canada oo Isku Shaadheyn lagu Sameeyay Xili Cadaadis lagu hayo Trudeau
Next articleWararkii ugu dambeeyay ee weerarka gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay Jarmalka