Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa soo hadal qaaday dalalka sida weyn ula saftay Soomaaliya iyo kuwa ka dhuumanaya weli inay mowqifkooda cadeeyaan.
Xasan ayaa Jimcihii si adag ula hadlay dalalka weli ka dhuumanaya inay cadeeyaan mowqifkooda qaddiyadan, isaga oo uga digay dalalka caalamka ee weli ka hadlin arrinkaan in aysan taageeri karin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha waxa uu xusay in dalalka Soomaaliya la saftay marxaladan adag ay waligood xasuusan doonaan, ayna maalintooda garab istaagi doonaan.
“Dowladaha caalamka ah ee saaxiibada ah waa ku mahadsan yihiin kuwii Soomaaliya midnimadeeda, xuduudahooda iyo dhulkeeda ilaalintiisa ka hadlay oo na garab istaagay aad iyo aad u mahadsan yihiin waa saaxiibo jira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.