Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Danjirayaal uu ku jiro kan...

Xasan Shiikh oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Danjirayaal uu ku jiro kan Falastiin

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan
2. Amb. Rowaid Adil Mohamed – Danjiraha cusub ee Falastiin
3. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand
4. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania
5. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal
6. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda
7. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria
8. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan, si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga.

Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleSidee ayuu u dhacay Dilkii ninkii kitaabka Quraanka ku Gubay Swedan?
Next articleAmarada Trump ee Soomaalida Sida Gaarka ah u Saamaynaaya