Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Shaaciyay Nooca Doorashada uu Qaban Doono iyo Sida uu...

Xasan Shiikh oo Shaaciyay Nooca Doorashada uu Qaban Doono iyo Sida uu Soomaaliland Ka Yeeli Doono

0

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha ee maanta qeybtaan kaga hadlay arrimaha doorashooyin uu qorsheynayo inuu dalka ka qabto iyo qadiyadda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay inay ka go’antahay in dalka uu ka qabto doorasho qof iyo cod ah, taasna uusan ka gorgortami doonin, isla markaana uu xaqiiji doono si kasta oo ay ku suurtageli karto.

“Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa ballanqaadnay, waana hirgalinayaa alle idinkiis, dadkeenana waa in ay dortaan cidda danahooda iyo mustaqbalkooda ka shaqeynaysa,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in dadkaan aysan u tali doonin cid dambe oo hoggaanka dalka si qaldan ku timaada “fursad kale ma jirto, dadkeena waa inay doortaan cida meteleysa,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay qadiyadda Somaliland, isagoo sheegay in waxaba aysan u wabin dowladda Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada waqooyi.

“Walaalaha Somaliland majirto wax dhibaato ah habayaratee oo na dhexyaal, doorashooyinka ku soo wajahan iyo dimoquraadiyadda ay hiigsanayaan si nabad ah inay ugu dhamaato ayaan u rajeyneynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in dowladda Soomaaliya ay weli daneyneyso in Somaliland dowladiisu wadahadal la yeelato, si looga tashado aayaha iyo wadajirka umadaan walaalaha ah.

“Mowqifkeenii hore ayaan ku taaganahay, Somaliland waa walaalaheen waa dad Soomaaliyeed, waxaan qabnaa aan wadajirno, sida aan ku wadajireynana aan ka wadahadalno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleXasan Sheekh oo Abiy Axmed uga digay ku sii socoshada is-afgaradkii uu la gaarey Muuse Biixi
Next articleBOOLISKA oo soo bandhigay rag kufsi wadareed yaab leh ka geystay Muqdisho