Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Shaaciyay in Trump Doonaayo inuu Aqoonsado Soomaaliland

Xasan Shiikh oo Shaaciyay in Trump Doonaayo inuu Aqoonsado Soomaaliland

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xaqiijiyey in xubno ku dhow madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay doonayaan in la aqoonsado Somaliland, balse aysan walaac badan ka qabin.

Wareysi uu siiyay The Washington Post, ayuu Xasan Sheekh wuxuu rajo ka muujiyay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka xilligan xukuumadda Trump, inkasta oo uu jiro walaaca ah in xubno ka tirsan maamulka cusub ay taageerayaan aqoonsiga Somaliland.

“Waxaan had iyo jeer xiriir adag la lahayn Mareykanka,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Inkasta oo aanan hubin sida ay xukuumadda cusub uga falcelin doonto arrimaha gobolka, ma filayno wax isbedel taban ah.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in shakhsiyaad ka tirsan xukuumadda Trump ay kor u qaadeen suurta-galnimada aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo uu si cad uga soo horjeedo.

Xasan Sheekh wuxuu dib u xusay midnimada taariikhiga ah ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay saldhigga sharci iyo siyaasadeed ee ay ku dhisan tahay qarannimada dalka.

“Soomaaliya waa qaran mid ah. Waxay xorriyad ka qaadatay gumeystayaashii 1960, markaas oo Somaliland—oo ahayd xukun hoos tagi jiray Ingiriiska—iyo koonfurta Soomaaliya—oo ahayd mustacmarad Talyaani—ay midoobeen si ay u sameeyaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Wuxuu qiray in dagaalkii sokeeye ee 1991 uu horseeday in Somaliland isku daydo inay gooni uga go’do Soomaaliya, balse dowladdiisu aysan aqoonsan doonin kala go’aasi.

Isagoo ka hadlayay saameynta ballaaran ee aqoonsiga Somaliland, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka digay in wax-ka-beddelka xuduudaha Afrika uu horseedi karo xasillooni-darro baahsan.

“Haddii xuduudaha Afrika la beddelo, waxay abuuri doontaa khatar weyn iyo dhibaatooyin aan xad lahayn oo ka dhaca qaaradda,” ayuu xusay.

Inkasta oo Somaliland ay qabatay doorashooyin, wuxuu meesha ka saaray fikradda ah in doorasho kaliya ay ku filan tahay gooni-isu-taag. “Doorasho maaha, sida aan u arko, shardi lagu go’aamin karo madax-bannaanida qaran,” ayuu adkeeyay.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa wuxuu xoojinayaa sida ay dowladdiisu uga go’an tahay ilaalinta midnimada qaranka iyo wadajirka dhuleed, xilli ay sii socdaan isbeddellada juqraafiyeed ee caalamka.

Iyada oo xukuumadda Trump ay la wareegeyso talada, hoggaanka Soomaaliya wuxuu rajeynayaa in Mareykanku sii wado taageerada midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga
Ad
Previous articleDonald Trump oo ku adkeystay inay Qasab ku aqbalayaan Masar iyo Urdun dadka barakacay ee reer Gaza
Next articleJabuuti oo Hub Culus soo Gaarsiiyay Gobalka Hiiraan oo Dagaal Alshabaab ah ka dhan ah kasocdo