Falanqeynta qodobka 4.2 ee dhameystirka dib u eegista Dastuurka iyo xoojinta dimoqraadiyeynta
Qodobkan waxa uu muujinayaa in dowladda Federaalka ay ku guuleysatay inay meel mariso qodobbo loo fasiran karo xoojinta damaceeda doorasho qof iyo cod.
Heshiisyada waxay xoogga saarayaan dhameystirka dib u eegista dastuurka iyo abuurista hey’adaha sharciyeed ee ka dhashay afartii cutub ee baarlamaanka labada aqal ansixiyey sida abuurista xeerka xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka. Guddigaas ayay shaqadoodu noqon doontaa inay soo saaraan waqtiyeynta xilliga la qabanayo doorashooyinka qof iyo cod.
Hase ahaatee war murtiyeedka laguma xusin waqtiyada ay doorashooyinka dhacayaan, waxaana loo fasiran karaa in madaxda Dowlad Goboleedyada ay halkaas ka heleen muddo-kordhin farsameysan.