Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo kulan La Qaatay James Swan Xili Xasan iyo Deni...

Xasan Shiikh oo kulan La Qaatay James Swan Xili Xasan iyo Deni oo Uu kala Dab qadaayo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Ku-simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna mudane James Swan.

Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub.

Swan ayaana La Filayaa inuu Ukala Dabqaado Dowlada Soomaaliya Iyo Maamulka Puntland oo Khilaaf Dheeraaday Ka Dhex Taaganyahay.

 

Ad
Previous articleP.M Xamse Cabdi Bare ooo kulankisii Ugu Horeeyey la Qaatay James Swan
Next articleDad badan oo ku dhintay duqeynta Rafax ee maantaÿ