Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo Kulamo la Yeeshay Musharaxaan oo Galmudug loo Wado

Xasan shiikh oo Kulamo la Yeeshay Musharaxaan oo Galmudug loo Wado

0

Madaxweyne Xasan Sh oo kulamo gooni gooni ah la kala yeeshay taliyihii hore NISA Mahad Salad iyo Xildhiban Sabir

Madaxweyne Xasan Sh Maxamud ayaa kulan gaar ah la yeeshay xildhiban Sabir Shuriye oo kamid ah xubnaha u ololaynaya in Galmudug laga qabto doorasho, waxaana wararka sheegayan in madaxweynaha uu Xildhibanka u sheegay in dhaman maamul goboleedyada halmar laga qabanayo doorasho balse aysan aheyn xiligan sidaas awgeedna uu joojiyo ololaha uu wado

Wararka qaar ayaa sheegeya in xildhiban Sabir aqbalay codsiga madaxweynaha

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sh ayaa kulan la qaatay Mahad Salad oo ah musharax madaxweyne Galmudug waxuuna kala hadlay in la joojiyo ololaha doorasho doonka Galmudug

Ilo wareed ayaa sheegaya in musharax Mahad Salad uu iska diiday dalabka madaxweyne Xasan Sh Maxamud

Mahad Salad ayaa madaxweynaha Xasan u sheegay in la joogo waqtigii la aadi lahaa doorashada Galmudug isaguna yahay musharax madaxweyne

Mahad Salad oo ay ka go,an tahay hanashada kursiga madaxweynaha Galmudug ayaa lafilayaa in maalmaha soo socda uu u safro deeganada Galmudug halkaas uu ka daahfurayo mashruuca ololihiisa musharaxnimada Galmudug

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAyatollah Ali Khamenei oo wacad ku maray, ciqaab adag iyo aar-goosi ka dhan ah Isra’il
Next articleWar Degdeg: Israa’iil oo sheegtay in madaxii milatariga Xamaas ay duqeyn ku dishay