Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo ku Wajahan Balidoogle iyo Qorshaha Safarkiisa

Xasan Shiikh oo ku Wajahan Balidoogle iyo Qorshaha Safarkiisa

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqan doono xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle, halkaas oo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Danab.

Lama shaacin ujeedka safarka madaxweynaha ee Balidoogle, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in halkaas uu kula kulmi doono saraakiisha Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab iyo taageerada ciidanka Xoogga.

Sidoo kale warar kale oo madax bannaan ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu ka qayb-galayo munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay xerada Balidoogle, kuwaas oo kamid noqonayo kumaandooska ee Danab.
Ad
Previous articleAlshabaab Badan oo lagu Laayay Galmudug
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo lagu eedeeyay arrin yaab leh oo ka taagan HirShabelle