Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Ka hadlay Doorashada Soomaaliland

Xasan Shiikh oo Ka hadlay Doorashada Soomaaliland

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashada madaxtinimo ee Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boggaadiyay doorashada dadweyne ee ka dhaceysa Hargeysa, wuxuuna tilmaamay in aysan ahayn tii ugu horreysay ee ka dhacda halkaasi.

“Waxaan boggaadinayaa walaalaha Somaliland oo maalmo gudahood u dareeri doona doorasho dadweyne, taas oo aanan ahayn markii koowaad iyo markii labaad” ay yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rajeyneynaan inay nabad iyo guudl ugua soo dhammaato ama aanay u horseedo deganaasho iyo dimuquraadiyad”.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaalladii dhex-maray SSC-Khaamtumo iyo Somaliland, isaga oo ku baaqay in laga fiirsado colaad dambe oo dhacda.

“Walwal waxaa lagu soo kordhiyay maalmihii u dambeeyay ifafaalalaha colaadeed ee kasoo muuqday meelo kamid ah deegaanada Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo aanan habooneen inay sii socdaan” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 13-ka bishan Novermber la filayo in Somaliland ay ka dhacdo doorashada hoggaanka mamulkaasi, waxaana haatan soconayo ololaha doorashooyinka oo u dhexeeyo hoggaanka saddex xisbi ee Kulmiye, Wadani iyo UCID.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Saakay ka Dhacay Muqdisho
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Aqblay Codsigii Xasan shiikh